Thursday, April 24th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Macalimad Ugandha udhalatay oo maanta Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa maanta duhurkii waxay weerar ku qaadeen gaari ay la socotay Haweeney ajnabi ah gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya.

Weerarka waxa uu ka dhacay Xaafada Baar ubax iyadoo ay fuliyeen dhalinyaro ku hubeysnaa bistoolado qaabka uu falka udhacana waxa uu umuuqday mid qorsheysnaa.

Haweeneyda la weeraray ayaa waxay udhalatay dalka Ugandha iyadoo bare ka ahayd (Macalin) Jaamacada Somaliya faraceeda Baar Ubax waxaana gaariga ay la socotay kala dagay dableyda kadibna rasaas ayey ku fureen oo dhaawac sababtay.

Dhaawaca Mrs Leyla ayaa loola carararay Xarun caafimaad oo jaamacad ku dhaw Ex-Cusmaan Geedi raage ayaana lagu magacaabaa xarunta caafimaad laakiin nasiib daro way ku quur baxday goobta (wey geeriyootay).

Waxa wararka ay sheegayaan in dilka ay fuliyeen rag loo maleynayo Al Shabaab marka loo eego qaabka dilka udhacay laakiin weli wax war ah shabaab kama soo saarin dilka macalimadaasi ugandha udhalatay.

Waxay Leyla oo muslimad lagu sheegay Jaamacada Somaliya wax ka dhigeysay labo Sano iyadoo weli wax war ah maamulka Jaamacada Somaliya aysan kasoo saarin dilka loogeystay macalimadaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>