Thursday, April 24th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wariye Caan Ah Oo Shaaciyay Inuu u Taaganyahay Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya

Maxamuud Cumar Zero oo kamid ah Wariyayaasha ugu caansan ee Soomaaliya wuxuu kusoodhex jiray Warbaahinta Soomaaliya tan iyo Sanadkii 1992-dii waxaa uuna ka soo shaqeeyay warbaahin badan oo kamid ah midda caasimadda Muqdisho iyo Gobolo kale.

Wariye C/naasir Zero oo hadda ku nool dalka Mareykanka ayaa niyadda kuhaya in mar un uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya wuxuuna wariyaha.com uu la wadaagay Sababha ku dhiiri galinaya in uu ku fakaro mustaqbalka xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya.

“Markii aan yaraa, waxaan ku hammin jiray inaan weriye noqdo. Alxam. Illaahay waa ii rumeeyay hammigaygii, oo bishii may lixdeedii, sannadkii 1992dii, ayaan ka shaqo billaabay Raadiyow Muqdisho.

Hadda damac siyaasadeed ayaa igu jira, oo ah inaan dalkayga Soomaaliya mar uun madaxweyne ka noqdo, hadduu Alle idmo” ayuu yidhi Wariye Zero.

Wariye Zero wuxuu sheegay in Dalka Soomaaliya hadduu madaxweyne kanoqdo uu aaminsanyahay in waxbadan uu ka badali doono haddii alle raali kanoqdo.

“Talaabooyinka ugu horeeya ee aan qaadayo waxaa ay noqondoonaan dhismaha hey’adaha dhaqaalaha iyo la xisaabtankooda””inkastoo hamiga ah inaan Madaxweyne ka noqodo Soomaaliya uu igu dhashay Sanadkii 1995-tii haddana wali waxaan wadaa waxbarashaddii waddadaasi igu hagilahayd si dalkeyga aan wax uga badalo” ayuu sii raaciyay.

Wariye C/naasir Maxamuud Cumar Zero wuxuu kamid ahaa barayaashii Saxaafadda ee magaaladda Muqdisho isagoo soosaaray arday badan oo hadda kamid ah kuwa ka howlgala War-baahinta Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>