Saturday, April 19th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Kalfadhigii Baarlamaanka Puntland oo Dib u dhacay.

Kalfadhigii Baarlamaanka Puntland oo la filayay Maanta in uu qabsoomo ayaa dib u dhacay kadib markii Saxaafada lagu wargeliyay in Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay shir ku leeyihiin Xarunta Madaxtooyada sidoo kalena ay soo xaadiri waayeen Xildhibaanadii loogu talagay in ay Kooramka buuxiyaan sidaa darteedna lagu wargeliyay Wariye yaasha in Dib uu u dhacay Shirka lagana yaabo in Beri uu Dib u furmo.

Kalfadhigan ayaa lagu waday in Baarlamaanka lagu macsalaameeyo Maadaama Waqtigoodii dhamaaday kuwo Cusubna lasoo dooran doono wuxuuna Kalfadhigan soconayaa markuu Furmo mudo 7 cisho ah kadibna Xildhibaanada waa lakala dirayaa iyadoo la guda geli doono in kuwo Cusub lasoo dhiso Puntlandna ay geli doonto xaalad kala guur ah iyo isu diyaarinta Doorashooyin hor leh, Kalfadhigan Shalay ayaa lagu waday in uu dhoco hase yeeshee Maalin Jimce ayuu kusoo beegmay Maantana dib ayuu mar kale u dhacay lamase oga in uu Beri Qasoomi doono.

Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland waxaa sidoo kale ka dhici doona shir ay qaban qaabinayaan dhamaan isimada Puntland kaasi oo looga hadli doono dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Puntland ka dhacay iyo sii adkeynta Nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta hadii uu qilaaf siyaasadeed jiro waxaana hada kusoo qul qulaya magaalada Garoowe Isimada iyo Nabadoonada iyo waxgaradka Puntland si ay shirkaasi uga qayb galaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>